TAARIIKHDA MAGAALADDA MUQDISHO

TAARIIKHDA MAGAALADA MUQDISHO.

MUQDISHO waa caasimada dalka Soomaaliya waxey kutaalaa galbeedka badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sadex jiho.

Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladaas la aasaasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.

Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo yurub (inta aan la qodin kanaalka suweys) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.

MAGACAABIDA MAGACA MUQDISHO

Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar jab jab) (Xamar Cade), waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha (XAMAR) , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca (XAMAR).

Micnaha (XAMAR) carabi ahaan waa (Alxamraa), qaar kale magacaas waxey ku macneeyeen oo sheegeen inaay ka timid kalmada (XIMYAR) oo aheyd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtay yaman , dowladaas waxey gacanta ku haaysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo kamid ah magaalada Muqdisho,

Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada (Maqcad Shaah) oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto ama xarun ka dhigto), sida lasheegay Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada xukumi jiray faarisiyiinta marka soomaalida wey kari waayeen ku dhawaaqida (Maqcad Shaah ) waxeyna u badaleen magaca hada (Muqdisho) kalmada waa laba erey kala duwan ereyga Maqcad waa carabi ereyga labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor . maka taas maloo macneyn karo in magaalada aasaasideedi dadka faarisiyiinta aay qeyb ku lahaayeen , maxaa yeelay ereyada faarisiga aad ayaa looga isticmaali jiray magaalooyinka carabta iyo xeebaha soomaaliya waqti aad u fog Waxaa aay badi taariikhyahanada qireen in magaalada Muqdisho uu Islaamka soo gaaray inta aay magaaladaas soo shaac bixin , waxeyna soo soo shaac baxday baxday markii aay dadka magaalada dhamaan diinta Islaamka aay wada galeen oo aay noqdeen dad aad looga yaqaanp gobolka , taas oo keentay in dhamaan xeebaha Afika bari oo ka kooban (Zinjibaar ,Somaaliya , Jabuuti) loogu yeero Muqdisho Magaalada Muqdisho markii aay dadkeedi Islaamka galeen markaas oo aheyd qarnigii 1aad ee Hijriga, waxey noqotay darbiyadii adkaa ee difaacay Islaamka Afrika.

Qeybta 2aad

Qaar kamid ah taariikhyahanada waxey sheegeen in dadka asal ahaan u dhashay magaalada Muqdisho aay ahaayeen dad aay ku badan yihiin Culimada iyo raga diinta lagu yaqaan kuwaas oo horsed ka ahaa dhaqdhaaaqyadii fidinka diinta Islaamka ee Soomaaliya isla markaana dowr weyn kasoo qaatay in aay diinta Islaamka ku fido bariga , bartamaha iyo koonfurta Afrika, dadkaas firkoodi ilaa iyo waqtigaan waxey kunool yihiin magaalada Muqdisho ee qadiimka ah.

ASAASIDII MAGAALADA MUQDISHO:

Taariikhyahanada waa aay isku qilaafsan yihiin waqtiga la aasaasay magaalada muqdisho , qaar kamid taariikhyahanada yurub ayaa sheegay in magaalada Muqdisho la aasaasay qarnigii 7aad ama 8aad ee miilaadiga , laakin kuwo badan ayaa waxey sheegeen wax taasi qilaafsan.

Kitaabka taariikhda magaalada Baata (xeebta Afrikada bari) ee lagu qoray afka Sawaaxiliga ayaa waxaa ku qoran qofkii ugu horeeyay ee magaalooyinka xeebaha Afikada Bari aasaasay uu ahaa Khaliifkii Cabdulmalik Ibnu Marwaan sannadku markuu ahaa 77 hijriga, kadib markuu maqlay wararka magaalooyinkaas , wuxuu markaas rajeynaayi inuu halkaas ka dhiso boqortooyo cusub Cabdulmalik Ibnu Marwaan wuxuu halkaas usoo diray rag Suuriyiin , kuwaas oo ah dadkii dhisay magaalooyinka (Baata ) (Malindi) (Zinjibar) (Laamo)

Taariikhyahan Taliyaani ah ayaa wuxuu sheegay inaay aay magaalada Muqdisho ahaan jirtay Islaamka ka hor magaalo weyn

Markii Islaamka uu ku faafay magaalada Muqdisho waxey noqotay meel aay soo hijroodaan dadkii carabta ahaa, dadkaas oo halkaas ka abuuray canacsi
Iyo fidinta diinta Islaamka ilaa aay magaalada ka noqoto Minaaradii diinta ee Afrika, dadkaas firkoodi ilaa waqtigan xaadirka ah waxey weli ku noolyihiin magaalada Muqdisho iyo xeebaha Banaadir oo dhan nin magaciisa la dhihi jiray ‘’Ismaaciil Ibn Cumar Ibn Muxammed’’ , ninkaan wuxuu kasoo jeeday reer ‘’ Banii Cafaan’’ wuxuu magaalada Muqdisho uu yimid sannadkii 149 hiriyada.

IBNU BATUUTA IYO MUQDISHO:

socday ku dhaheen ninkaan maaha ganacsade ee waa Faqiih , markaas ayey qeyliyeen dhalinyaradii iyagoo ku dhawaaqayay
ninkaani wuxuu marti u yahay Qaadiga magaalada.

waxey igu dhaheen waxaa caado inoo ah markuu magaalada yimaado Faqiiq ama Shariif amaba nin wanaagsan waxaa markiiba loo geeyaa Qaadiga magaalada si uu ula kulmo Suldaanka markaas ayaa waxaa ley geeyay Suldaanka magaalada oo aan la kulmay.

Ibnu Batuuta warbixintiisa wuxuu uga waramay qaabkii wanaagsanaa ee loo soo dhaweeyay iyo marti soorkii ee sadexda maalin ah ahaa ee aay reer Muqdisho u sameeyeen.

Ibnu Batuuta wuxuu yiri: maalintii afaraad ee booqashadeydi magaalada Muqdisho ayaa waxaa ii yimid Qaadiga magaalada iyo ardayda iyo mid kamid ah wasiirada, waxeyna iikeeneen maro’’macawis’’ iyo maro kale garbaha lasaarto iyo camaamad sida kuwa masaarada oo kale , sidoo kale waxe maryo kuwaan oo kale u keeneen dadkii aniga ila socday , kadib waxaan soo aadnay Masjidka jaamica , Suldaanka ayaan salaamay , kadib asigana wuxuu igula hadlay afka Carabiga asiga oo dhahay ‘’ Qadamta kheyra maqdam , wa sharafta bilaa dana, wa aanastanaa’’ taas la micno ah ‘’ waxaad timid meel kheyr badan , wadankeena ayaad sharaftay waadna nasoo wehlisay ‘’

MASAAJIDA MAGAALADA MUQDISHO:

Magaalada Muqdisho waxey ku caanbaxday masaajido waaweyn oo taariikh fog leh ,oo ahaan jirtay goobahii cilmiga loo soo doonan jiray lagana baran jiray culuunta kala duwan , waxaan looga imaan jiray geeska afrika oo dhan waxaa masaajidadaas aay ku caan baxday xalaqaadka tafsiirka , Xadiithka , fiqhiga .
maamulkii Muqdisho ka jiray waxey ku tartami jireen dhisida masaajida iyo gaabaha lagu barto diinta Islaamka.


xamarey waa lagu xumeeyee yaa ku xaal marin?

 

soomaaliyey waano maqla saan ayaad isku gasheen.

dhulkii la rogayaa ra'i ma yeeshe rafaan ka doortey runtiina diidey raja la'aantaad rafiiq u noqotey qori la roortey rasaasta seydhey reraa saboolkaad rugtoodi boobtey iney rog joogtiyo iney is ruugto ma u riyaaqdoo meysku raacdey, rabi nin caasiyey ka raali maahe ruugaad is jabisaye xanuuna reebtey cidla ku roqotey ruqaansan weydey isgoysey rubadoo rageedii seegtey intey ridowdey noqotey raaxo intey rog joogtiyo iney is ruugtoo ma u riyaaqdey.

Qeybta 3aad:

Masaajida Muqdisho waxaa kamid ah :

1-Masjidka Xamar-Weyne (jaamacada) waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho , waxaa masjidkaas la dhisay 630 hijriga , masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir .

2- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga

3- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667 hijriga , masjidkaan wuxuu ku caan baxay oo dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan oo aad u qurux badan oo ka sameysan ruqaan

4- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii 7aad ee hijriga , markii gumeysigii Taliyaaniga dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas waxey ka duldhiseen baar aay u bixiyeen ‘’ BAR SAVOY’’

DOWLADIHII IYO MAAMULADII MUQDISHO KA TALIN JIRAY.

Waxaa magaalada Muqdisho soo xukumi jiray dowlado iyo Saldanado , maamuladaas qaarkoodi waxaa sameeyay dadkii ugu horeeyay carabta ahaa ee halkaas soo degay , qaar kalena waxey kamid aheyd qeyb katirsan qilaafadii Islaamka ee waqtigaas jirtay iyo maamulo aay sameysteen qabaail soomaaliyeed iyo kuwii isticmaarka.

Waxaa dowladahaas kamid ahaa:

1- dowladii Ximyar : waqtigii ‘’ Ascad ibn Karb ‘’ oo ahaa mid kamid ah boqoradii ka talin jirtay yaman qarnigii 4aad ee Miilaadiga , dowladaan waxey kaloo soo xukuntay magaalooyinka’’ Marka’’ baraawa

2- dowladii Umawiyiinta waqtigii Cabdulmalik Ibnu Marwaan

3- dowladii Xalawaan oo Muqdisho ka talineysay qarnigii bilowgii qarnigii 6aad ee hijriga , waxaan magaalada xukumayay Maxamed Shaah ka tirsanaa maamulka Xalawaan ee Ciraaq.

4- dowladii Zuzaan oo bartamihii qarnigii 6aad ee hijiriga Muqdisho xukumayay.

5- dowladii Shiiraaziyiinta oo qarnigii 7aad hijriga , dowladaas waxey ku caan baxday dhisida Masaajida waaweyn oo leh qaab faarisi.

6- dowladii Faqrudiin oo aasaasay Suldaan Abubakar Faqrudiin , qarnigii 13aad ee Miilaadiga , kadib markii uu ku guuleystay inuu soo afjaro qilaaf ka dhaxeeyay qabaailkii Muqdisho deganaa.

7- dowladii Burtaqiiska oo magaalada Muqdisho xukumayay waqti gaaban sannadkii 1502 Miilaadiga , Burtaqiiska waxey dadkii Muqdisho deganaa kala kulmeen iska cabin xoog leh oo aay ku diidan yihiin maamulkoodi.

8- dowladii Mudafar oo Muqdisho xukumeysay bilowgii qarnigii 6aad ee Miilaadiga.

9- dowladii Yacquub oo aay aheyd Saldanad aay sameeyeen dad Soomaali ‘’Qabiilka Abgaal’’, Suldaanadii ee dowladaas wuxuu ahaa ‘’ Suldaan Xaaji Cumar Hilowle,,

10- dowladii Cumaan waa waqtigii Suldaan Barqash oo ahaa suldaankii Sinjibaar oo xukumayay xeebaha bariga Afrika bartamihii qarnigii 18aad ee Miilaadiga, markaas waxey magaalada Muqdisho siyaasad ahaan raacsaneyd Suldaankii reer Cumaan ee joogay Sinjibaar.

11- dowladii Taliyaaniga oo magaalada Muqdisho qabsatay 1892 Miilaadiga , kadib markii hashiis la gashay Suldaankii reer Cumaan ee Muqdisho katalinaayi inuu ka tanaazulo xukunka ee uu qaato lacag dhan 140 kun Rubiya sannad walba.

Bilowgii 50 meeyadii waxey magaalada Muqdisho heshay maamul dowlad hoose ah , intii lagu guda jiray xurnimo raadinta 1950-1960.
1960 kii markii xurnimada la helay waxey magaalada Muqdisho noqoday caasimada dalka Soomaaliya>

W/Q:Mmc Deeq

 

 

 

 

MAXAA HADHAY OO LAYSKU HAYSTAA ? SOOMAALIYA?

 

Maxay kula Tahay?

 

Maxaa hadhay oo laysku haystaa?macadantii dhulkeenu waa taa maanta dadatoo meel wlababa taal ee maxa hadhay oo laysku haystaa ?Dadkii Soomaaliya lahaa waa kuwaa qaxootiga ah oo meel walba daad sane maxaa hadhay oo layskuhaystaa?Qorigii aad qaadaad qolo kuy is layadbaa qasaraha dhigaye maxaa hadhay oo laysku haystaa?Qolo Qolo u dirikii baa qiimihii gobanimo qasaraa ku beegay maxaa hadhay oo laysku haystaa?Qaraxii iyo rasastii waakuwa ina kal qubaye maxaa hadhay oolaysku haystaa?Qabayaaladii aad oogaysaa qasarahaa dhigtayo adigana ku diidoo kuwiikalena an u hiiline maxaa hadhay oo laysku haystaa?waa suaalaha qof walba oo soomalai ah oo caqli lihi uu iswaydiinkaro sidaan qabo lakiin suaasha aan is waydiiyaa waxay taha dadkan qasarahaa dhigay oo somali meeshay maanta joogto joojiyey ma is wyadiiyaan suaalahaas waxaan umalaynaya hadya is waydiinlaheyeen jawabta ku soo bixi lahady waxan noqonlahayd mid anfacda una fududaysa waxay rabaan maxaayeelay hada eegto suaalahayga jawabta ka soobaxaysaa waa mid an facaysa qofkii khaladka ji iray oo uu dareemayo wuxuu samayanayaa in ay yihiin qalad ayana ufuran tahay i uu ka noqodo meeshaa oo meel kale ka eego wuxuu radinayey uuna farah kala baxo wuxuu ku jiro.Taasi waa figradayda inkasta oo aan ahayan siyaasi lakiin waxan u malayanaa siyaasi waa waayo arag ana wax badan baan ka ahay waayoarag lakiin siyaasi mayhi siyaasina macanaheedu waa TUUUG oo la sharaxay weliba tan somaliya waa TUUG Dilaa ah lakiin siyaasiyiinta aduunka kale waa Tuug waxay u ordayaan waa baabis ay wax ku soo saranayaan mid kalena hoos uguridayaan  Sidana wada ognahayba somalaiya waa bur burtay waxan bur buriyey inaga oo ah somali waxaa aduunka lagu arki jiray dad dad kale baabi yaan lakiin umad iyadu is baabi isa waa yartay waxaan aad iyoaad cudur kaasi ugu badan yaha wadama africa iyo kuwa dunida sadexaad ee aan dhaqalah badan lahayn lehna dowlada keligeed talasad ah   Somalia waxa isuraagay dhibatooyin badan

  • waa mare waa african aan cidan unaxay 

  • waa mare waxay lahaayeen dowlad kaligeed talso ah 

  •  waa mare waa dad qabyaladiistayaal ah

  • waa mare dhaqali malah

  • waa mare waa dad aan aqoon lahayn haday aqoon leeyihiin xumaan weligood ma wadeen aqon maha iskuul baan aday waan soo dhameeyey ee waa aqooni waa caqli

  • waa mare waa ladiraa oo mid isagu figradiisa wuxuu rabo ku rad sada ma jiro waa la dire loo dire

  • iyo qaar kaloo badan oo aan la soo kobi karayn

Abwaan     Sangub baa wuxuu yiri Sodon sano xornimadii calankii sudhnaajiray inkastanay ku soconay sidoo loogu talgay sida waynu dhaanaye garashada sabooshaay xeedhada salkeedii ma dhawee sideed oran waxaan  hoos soo gelinayaa sawiro aad ak qiiroonaysaan oo ku soobsan dadka somaliyeed ee hada qalbi jilcsantay ha firin ku dhifo magaca waxa ku so baxay page a y ku qoran yihiin waxay siyasiyiinta somaliyeed iyiih iyo waxay u socdaan iyo wax mid waliba niyad ku hayo iyo wuxuu rabo in u babiyo intaas way ka badan yihiin dadka somaliya bakhtiga ku cunaa lakiin kuwani wa kuwa ugu magacyada waa wayn ee la soco.·  Mohamad Farah Aidid Ã‚·  Adan C/lahi N. Gabyow Ã‚·  Osman Hassan Ali Atto Ã‚·  Col. Barre Hiiraale Ã‚·  Husien M. farah Aidid Ã‚·  Gen. Axmad Warsame Ã‚·  Ali Mahdi Mohamed Ã‚·  Hasan Muhammad Nur Ã‚·  Muuse Suudi Yalaxow Ã‚·  Ahmed Omar Jess Ã‚·  Abdullahi Yousuf Ahmed Ã‚·  Omar Haji Mohamed Ã‚·  Huseen Haji Boot Ã‚·  Mohamed Said Hirsi

·  Mohd Qanyare Afrah

 ISMA GARASHA DHANATAY MAANTADA GUMAADAY WALAL KEED GOBLAMISAY GURIGEEDA DUMISAY .

ALAABADA KA RARATAY DAL SHESHEEYE GAYSAAY.

UMAWADA SABEELAAY GALBATAYE IS DABAQABO.

SOOMAALIYEEDII ISKU DIRAH AKAL EDILA DERISKIYO WALALAH MID KA DABINKA DHIGAYEE DIGADAN KU HOOS SHIDA KUNA DARA MIINADA.

SOOMAALIYEED DII KANDULMIGA KU NAXAYEE DIBIRAYEE U HAYSTABA DUUNYADIISA INAAD TAHAY KAN XAFIISKA DAAHALE INUTUU DAAKHILKA UGALO ADNA DIBADA MOOYEE DARADIISA KAREBA KUNA DOODA REER HEBEL.

SOOMALIYEE DIID WAXAAN DIINTA EEBIYO DAACADA KU SOCONAY OON DERAJA AAKHIRO IYO DOWGA NOLOLLEED DOCNA KUUG ROONAYAN.

Somaaley dadkiyo maatida daryeel dowlad loo dhanyahay qaranimada dhowr dhiigtaada iyo colaadan dameyn waa idin darxuma waa iga waano intaas hadii aan ahay madaxa wabkan:Deeq Mohamed Ali   ( Mmc Deeq)

[email protected]

Welcome Mmc Deeq

Deeq Mohamed Ali to codkasuxufiga.n.nu 

 

Deeq Mohamed Ali (Mustafe Deeq)

Qof hadduu ku jeclaadee qalbigiisa ku siiyo (geeraar macaan)

kal wacan salamuhu

 kala ron sidoo dee

tan waamid safi aha

saxan oo lasooxusay

Inanyahay daraadaa
Intalkeygi gabayeee
Isbitaal in lay qaadiyo
Iilka daris la ahay
Ifka ma laha sugnaan
Arxan ii sameeyoo
Irdaha hayga xiran xayaati .

Iniinaha wadaha iyo qalbiga
Inantii asaabtee
Inantii wacneyd asluub loo dhameeyey
Ifka inaan kuugu jecelahay
Oo aan ilwaad qurux
Qalbigeyga ku qoray
Qeyrkaana ka sara mariyey
Qiimo badan miyaad ogsoontahay

Qof haduu ku jecleedee
Qalbigiisa ku dajiyee
Qeyrkaa ka xusho
Qafiif iyo qalooc lama bidee
Qalbiga loo furaaa qaali..

 

 

 

 

 

Cali iyo Xasan waxay ahayeen laba nin oo saaxiib ah isla markaana ah laba nin oo waalan

Waxay ku jiraan dhakhtarka dadka waalan deetana maalin maalmaha ka mid ah ayaa xasan Wuxuu arkay Swiming Pool deetana waxaa uu ku booday berkadii cali baa ka daba booday Oo Ka soo saaray berkadii... dr kii ayaa u yimi cali oo yidhi nin yahaw waad baxaysaa waayo Waad ladnaatay mar hadaad saaxiibkaa ka soo saartay berkadii laaakiin waxaa dhacday Saaxibkaa wuu is dilay oo wuxuu iska soo laad laadiyey geed...intuu soo booday cali ayuu Yidhi dhakhtar sidaa maaha isma dilin ee anaa galabta markuu qoyay geedka ku wadhay oo Xadhiga ku xidhay si uu u qalallo....lol odaygii cali ahaa inta dhegta la qabtay ayaa la geeyey Halkiisi......lol

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa".

Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

Sheeko kale

Ninkii Bariiska ku gubtay

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

Sheeko Kale

U cut my leg

beri ayaa nin damcay inuu warqad ingiriisi ah u qoro saaxiibkii oo jooga London. ninku inyar oo ingiriisi ah ayuu ka bartay buug la yidhaa, English for africa .isaga oo isticmaalaya intiisii yarayd ayuu saaxiibkii uqoray warqadan:

waxu yidhi:

You cut my leg(waad ilug gooysay)

my shop stands up(dukaankaygii wuu kacay)

and i opened my wife(xaaskaygiina waan fury)

REER AAN OGAHAY MA GUURO

Halkayskan, isna wuxuu ku baxay sheeko dheer, oo xikmad reebtay. Waxayna u dhacday sidan: Beri ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laأ‚آ´aanteedna wax la rari karaa ma jiraan. Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.Dacawadii oo maqlaysay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi: WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

BICIIDKA AAN DILI DOONO

Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad.Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen. Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa.Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jir doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor cabbo. Waxayna ku tidhi:Waar adiga ayaa gannayee dhan.(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:Adigaa dhalayee dhan!adigaa gannayee dhan!Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin! Weli biciidkii kanta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. weli subag lama hayo.Bal arrintaas adigu! ka waran?

www.facebook.com/Mmc Deeq

Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xiriir

EMILL:

[email protected]

 OR TELL: +2522 4055021 / 821348 /9166325/9131862

Boga facebook aan kuleeyahay click https://www.facebook.com /mmc.deeq#

 

This website was built using N.nu - try it yourself for free.(info & kontakt)
W/Q:Deeq Shariif Mohamed Ali (Mustaf Deeq)