Sheekoyin qosol badan

Page Kan Waxaan Idin Ku Soo Gudbin Doonaa Sheekooyin Qosol badan Kala Nooc Nooc AH Hadduu Alle Raali ka Noqdo Insha Allah Waa Sxb Kiin Mustafe Maxamed Cali (Mustafe Deeq) Oo Din Leh Sidas Iyo Wada Shaqeyn Wacan Hadduu Alle Raali Kanoqdo AAMIIN AAMIIN

****************************************************************************

SHEEKADA KOOWAD WAA..

SHEEKO XIISO LEH SHEEKH IYO REER BAADIYE Nin shekh ayaa maalin dad wacdinayay Wuxuu ka sheekeeyay dagaalkii Nabiga (NNKH), dhibka loogu gaystey ee ahaa DAGAALKII Uxud, markii uu marayay meelihii uu dhaawacyada ka soo gaareen Nebiga uu u sheegayay dadkii uu wacdinayay ayaa waxaa ka soo dhex baxay nin Reer baadiyo ah, markaasuu sheekhii labada Indhood dharbaaxa u geliyey. Markaasuu yiri Ninkii Reer Baadiyaha ahaa "Waadba joogtay oo waadba sheegaysaa maxaad Nabiga dadka dhibka u gaysanaya aad uga celin wayday"

Bye:-Mmc Deeq

*********************************************************

Sheeko jawi caadi ah Ninkii Bariiska ku gubtay Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

XUQUUQDA QORAALKA Ilaali

Bye Source Www.codkasuxufiga.n.nu Mmc Deeq

******************************************************************************

SHEEKO JAWI DAGAN

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa".

Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan Kusiiyey:

W/Q:Mmc Deeq

 

Dib ayaan iskugu soolaabanay halkeenii aan ka sii wado sheekooyin an idinkugu soo gudbin jirey page aqyaarta  aadka ujeclahay all waa sxb kiin Deeq Mohamed (Ali Mmc Deeq) oo idin leh Marlabad soo dhawada 

 

Sheeko Qosol badan oo
kusaabsan Shukaansi!

Hada ka hor baa waxaan
jeclaaday gabar iga
da'weyn, Waqtigaas Aniga
aad ayaan Aqliga uga
yaraa, mana Aqaanin Sida
qof dumar ah loo
shukaansado, Habenkii
koowaad waxaan ugu
tagay gurigeeda, mana
aqaanin qofta Ereyo aan
kushukaansado, habenki
koowaad waxaan ugu
sheekeeye mid aan sxbo
nahay oo dariskeena ahaa,
si fican ayaa uwada
xamanay, Anigoo
isfaaninaayo, Habenki
labaad waxaan uga
sheekeeyey Mid dukaanle
ah, Asagana si fican ayaa
uwada xamanay, Anigoo is
faaninayo, Habenki sedexaad
waxaan ugu sheekeeyey
dagaalo ka dhacay
Muqdisho,
Markaas kadib Gabadhi
baa waxey itiri, Walaalow
Adiga mataqaanid miyaa
wax aan dagaal iyo Xan
aan ka aheyn, Aniga aad
ayaan iskugu naxay
Hadalkii baa igu xirmay,
Anigoo waxaan Sameeyo
garan la, ayaa Mid aan sxbo
nahay igu dhahay Nin
yahow Waxad soo gadataa
Buugaagta jaceylka kadib
geeraarada ka aqriso, sidi
ayan sameeyey buug jaceyl
ayaan soo gatay, Waqti
walbo hal geeraar ayaan
xifdini jiray, Anigoo
isdhahaayo isbuucaan
waxaad kuhadasho waad
heysataa, kadib waxaan
utagay gabadhii,
Geeraarkii ayaan dawada
uqabtay sida qof quraan
aqrinayo cml, Anigoo
isdhahaayo hadaad
aamusto geeraarka ayaa
kaa kala dhumaayo, Kadib
markaa geerarkii
dhemeeyey, Gabadhii ayaa
igu qososhey oo idhahday
geeraarkan hore ayan u
aqristay wuxu kuyaalaa
buuga noocaas iyo noocaas
ah, Aniga naxdin ileen
waan fashilmay wax kaloo
aan kuhadlo mahayo,
markaas kadib waxan
Umaleyni jiray,
Shukaansiga inuu yahay
wax jaamacad looga soo
baxay, Maanan ogeyn
Shukaansiga inuu yahay
Ereyo mcn, Sida Mcny Wan
kujeclahay, Kaama Maarmo,
Daqiiqad hadaan kuwaayo
waxey iila mid tahay
Anigoo Hal sano kuwaayey,
Iyo Erayo Kale oo Mcn oo
Qofka lagu soo jiito,

Caadimaah abtigiis sheekada

W/Q: Mmc Deeq

Sheeko jawidagan ah

waxaa is laayey laba nin,marka mid ayaa waxaa lagu bilaabay feer kii kalena wuu caaytamaayey intaas, markii dagaalka dhamaaday ayaa waxa la weydiiyay maxaad isaga celin waayday ninka feerka kula dhacayey markaas buu ku jawaabay; idinka waxaad arkeyseen feerkiisa,wixi cay afkeyga ka baxaayay maydin arkayn miyaaaaa Xasidiin ayaa  tihiin walee isagaad la jirteen miyaa wixii gacmaha ihaayayna idinku ahaa ee aan far la dhaqaajin kari waayey..

 

 

Ma Ogtahay Shaqsiyahoow Inaadan Guul Gaarin Hadii Aadan Isku Aqoonsaneyn In aa tahay shaqsi ay dadku si aad aha u jecelyihiin?

 

 

 

Noqoto Mid Naxariis Leh
Noqo Mid Daacad Ah 
Noqo Mid Degan Oo Miisaan Leh 
Noqo Mid Dulqaad Bdan 
Noqo Mid Firfircoon 
Noqo Mid Isku Kalsoon
Noqo Mid Deeqsi ah
Noqo Garsoore Daacad Ah
 
 


Muuji Waji Furfurnaan
Tixgeli Adanimada 
Kuqaabil Qofka Waji Wanaagsan Xitaa Hadii Uu Ku Xumeeyo
Qaado cafinta (Iska Cafi) Maxaa Yeelay Waa Aargoosiga Ugu Wanaagsan 
Ogolooow In Lagaa saxsanyahay
Aqoonso Xadidka Aaad leedahay 
Sii Dadka Waxa Aaad Jeceshahay Hasiinin Waxaad Necebtahay

Hanoqon Shaqsi Hadal Badan 
Hanoqon Shaqsi Hagaroow Ama Xaasid ah
Hanoqon Shaqsi Darajo Ku faana 
Hanoqon Shaqsi Dhanka Xun Wax ka eega 
Hanoqon Shaqsi Galad Sheegasho Badan
Hanoqon Shaqsi Kibir Badan Ama Islaweyni Badan


 


Haxaqirin Shaqsiyada Qofka 
Haxaqirin Qofka Wanaagiisa
Hacaroonin Waayo Carada Sheydaanka Ayaa ku Shaqeysta
Hasameyn Marqaati Been Ah 
Ha cadeysanin beenta
Ha Lagalin Faraha Wax Aan Kuqosey Hadii Kale Waxaad La kulmeysaa Dhibaato
Hadhihin Ama Hakala Hortagin Qofka Wuxuu Necebyahay (Hadal Ama Ficil )
Ha Ugu Yeerin Qofka Naaneys Uusan Raali Kahayn
Hayasin Dadka Ha Uliidin Waa Sabool
Hacanaanan Masaakiinta
 


 
Ilaali Balanta waayo Nimaan Balan Lahayn Waa Niman Diin Lehayn
Isku day Inaan Runta Sheegto Ama Xaqiiqda Ka Hadasho 
Iska Cafi Qof ku Dulmya 
Ilaali Amaanada Iska Hubi Wixii laguu Sheego


 


Xumaan Xumaan Haku Bedelin
Xiriiiiiri  Qof kii Ku gooya 
Xaq Dhowr Deriskaaga


Ulla hadal Dadka Si Wanaagsan oo Raxmad Leh Waayo Hadalka Wanaagsan Wuxuu ka Qeyr Badabyahay Hadalada xun
Ula dhaqan Dadka Sida aad Jeceshahay In Lugula Dhaqmo
U caawi dadka Si aad Adugaba Ujeceshahay In Laguu Caawiyo Markaad Dhibaateysantahay


Waayo Intuba Waa Furaha Farxada Farxadana waa Jidka Gaaban Ee Ku Geynkara  Kalsonida Dadka  wanaagsan iyo kuwaxun intaba

  

      Side ku hana kartaa jaceylka dhabta ah.?

Aqriso qisan dhabta ah ee ku dhacdey qoraha bagekan ee codkasuxufiga.n.nu (Mmc Deeq)

  

Waxay aheyd maalin aad iyo aad jawigu u macan badan yahay oo roob hawadu isa soo xirey oo neecaw macan oo udgoon badan ay dadku sanka la raacayaan ilyartuna ay is qabatey waxayna aheyd casar jawiguna aad iyo aad kuu xiiso galinaayo,MustafDeeq oo ka soo rawaxay markaas school ayaa wuxuu la kulmey inan ay ragi xoogayaan oo ay rabbaan in ay kufsadaan runtii MustafDeeq inantaasi ma uu san aqoonin oo maalintaas ayaa isku gu horeysey.

  

Mustafdeeq markii uu arkey in gabadhan meesha mareyso la xoogi rabo ayaa uu u gurmadey  ragii ka dhiciyey  oo ragii ayey halkii isku laayeen MustafDeeq iyo ragii intii ay is heysteen ayaa ay inantiina carartey.

 

Ka dib Mustafdeeq dagaal ka dib ayaa waxaa u soo gurmadey dadkii jidka maraayey oo ragii kala dhiciyey Mustafdeeq oo la yaaban halka ay ka dhacdey gabadha iyo waxa xilligaa meesha keeney oo is weydiinaya aayaa gurigoodii tagey.

 

 Mustafdeeq ayaa waxa u soo dhawaadey imtixaankii,imtixaankii isaga oo u sii cararaya schoolkii oo uu habsaamey ayaa wuxuu arkey inantii uu badbaadinaayey oo jidka socota salaan ka dib wuxuu weydiiyey wixii maalintaas meesha keeney ka dibna waxay ugu jawaabtey runtii waxaad tahay wiil aad iyo aad u wanaagsan maalintaasna hadi aanad I badbaadin laheyn runtii saacadan waxay nolosheydu gali laheyd halis.

 

Mustafdeeq oo aftahan ahaa ayaa ugu jawaabey abaayo macaanto runtii noloshu waa meerto maalin adiga ayaa wax badbaadinaaya maalin Adiga ayaa lagu badbaadinayaa.

 

 Intaas markii la maraayo ayey tiri magacaa markaasuu yiri Deeq Mohamed Ali  oo ku magac dheer (Mustaf Deeq) adigana markaasey tiri magaceygu waa Canab Axmed maxamed oo ku magac dheer ayey itiri (Canabeycadaan) ka dib isbarasho ka dib ayaa waxaa la kala qortey lambaradii Mustaf Deeq ayaa ku yiri abaayo macaanto waan kula soo hadli doonaa hadii ilaahey yiraahdo hada imtixaankii ayaa ku sii socdaa jaw jaw ayaa lagu kala tagey maalintaas.

   

Dhanka kale  waxaa CANAB niyadeeda ka tiri runtii wiilkan waa wiil aad iyo aad u wanaagsan oo qurux badan damac ayaana ka galey wiilkii dhinac kalena Mustafdeeq ayaa intii uu imtixaanka ku jirey la hor keenaa gabadhii uu badbaadinaayey qurux deeda wuxuuna niyadiisa ka dhahay.

 

Nafteydaay hogaamisey ladhi waayey hurdada halkeed baad Canabey u soctaa.

 

Dhinaca kale CANAB CADAAN ayaa waxay dareemeysey maalintaas neecaw jaceyl waxayna tidhi necawda jaceylka nacabka jiroo naceybka ka dhowr runtii maalintaas CANAB iyo Mustaf Deeq waxay ku wada jireen Hasaawe ah hasaawihii hawada.

 

 

Lasoco qeybta 2:-

Welcome Mmc Deeq

Deeq Mohamed Ali to codkasuxufiga.n.nu 

 

Deeq Mohamed Ali (Mustafe Deeq)

Qof hadduu ku jeclaadee qalbigiisa ku siiyo (geeraar macaan)

kal wacan salamuhu

 kala ron sidoo dee

tan waamid safi aha

saxan oo lasooxusay

Inanyahay daraadaa
Intalkeygi gabayeee
Isbitaal in lay qaadiyo
Iilka daris la ahay
Ifka ma laha sugnaan
Arxan ii sameeyoo
Irdaha hayga xiran xayaati .

Iniinaha wadaha iyo qalbiga
Inantii asaabtee
Inantii wacneyd asluub loo dhameeyey
Ifka inaan kuugu jecelahay
Oo aan ilwaad qurux
Qalbigeyga ku qoray
Qeyrkaana ka sara mariyey
Qiimo badan miyaad ogsoontahay

Qof haduu ku jecleedee
Qalbigiisa ku dajiyee
Qeyrkaa ka xusho
Qafiif iyo qalooc lama bidee
Qalbiga loo furaaa qaali..

 

 

 

 

 

Cali iyo Xasan waxay ahayeen laba nin oo saaxiib ah isla markaana ah laba nin oo waalan

Waxay ku jiraan dhakhtarka dadka waalan deetana maalin maalmaha ka mid ah ayaa xasan Wuxuu arkay Swiming Pool deetana waxaa uu ku booday berkadii cali baa ka daba booday Oo Ka soo saaray berkadii... dr kii ayaa u yimi cali oo yidhi nin yahaw waad baxaysaa waayo Waad ladnaatay mar hadaad saaxiibkaa ka soo saartay berkadii laaakiin waxaa dhacday Saaxibkaa wuu is dilay oo wuxuu iska soo laad laadiyey geed...intuu soo booday cali ayuu Yidhi dhakhtar sidaa maaha isma dilin ee anaa galabta markuu qoyay geedka ku wadhay oo Xadhiga ku xidhay si uu u qalallo....lol odaygii cali ahaa inta dhegta la qabtay ayaa la geeyey Halkiisi......lol

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa".

Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

Sheeko kale

Ninkii Bariiska ku gubtay

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

Sheeko Kale

U cut my leg

beri ayaa nin damcay inuu warqad ingiriisi ah u qoro saaxiibkii oo jooga London. ninku inyar oo ingiriisi ah ayuu ka bartay buug la yidhaa, English for africa .isaga oo isticmaalaya intiisii yarayd ayuu saaxiibkii uqoray warqadan:

waxu yidhi:

You cut my leg(waad ilug gooysay)

my shop stands up(dukaankaygii wuu kacay)

and i opened my wife(xaaskaygiina waan fury)

REER AAN OGAHAY MA GUURO

Halkayskan, isna wuxuu ku baxay sheeko dheer, oo xikmad reebtay. Waxayna u dhacday sidan: Beri ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laأ‚آ´aanteedna wax la rari karaa ma jiraan. Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.Dacawadii oo maqlaysay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi: WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

BICIIDKA AAN DILI DOONO

Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad.Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen. Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa.Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jir doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor cabbo. Waxayna ku tidhi:Waar adiga ayaa gannayee dhan.(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:Adigaa dhalayee dhan!adigaa gannayee dhan!Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin! Weli biciidkii kanta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. weli subag lama hayo.Bal arrintaas adigu! ka waran?

www.facebook.com/Mmc Deeq

Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xiriir

EMILL:

[email protected]

 OR TELL: +2522 4055021 / 821348 /9166325/9131862

Boga facebook aan kuleeyahay click https://www.facebook.com /mmc.deeq#

 

This website was built using N.nu - try it yourself for free.(info & kontakt)
W/Q:Deeq Shariif Mohamed Ali (Mustaf Deeq)