Casharo Ku saabsan Dhanka Saxaafada

  • Hawl-wadeenada warbaahinta

WAXAAN JECLAHAY IN AAN HALKAN AMA PAGE AAN KU BARO HABSHAQAALEEDKA SAXAFADA WAXA AY TAHAY AMA AY UKA LA LEEYIHIIN SAQADOODA WAA SXB KIIN MMC DEEQ OO ADIN LEH MAALINKASTA OO JIMCO AH KA AKHRISO PAGE AAN IDIN KUGU LALAGALAY EE WWW.CODKASUXUFIGA.N.NU IN AAN IDIN FAHAN SIIYO HOOLAHA SAXAAFADA QOF KASTA SHAQADA UU MUDAN YAHAY WELCOME ALL DHALINTA XIISEYSA SAXAAFADDA OR WARBAAHINTA THANKS        (Mmc Deeq)...........

 

Howlaha warbaahinta waa tiro badan yihiin waana howl loo Qabto koox-koox oo aan kali kali loo qaban Karin, xil gaar Ah na Saran yahay waxa ayna u qeyb samaan (5) shan qaybood… oo kala ah

 

• Qeybta 1aad=maamulka sare ee shabakadda.

• Qeybta 2aad=tifaftiraha shabakadda.

 

• Qeybta 3aad=weriyaha warka.

• Qeybta 4aad=suxufiga qoraaga ah.

 

• Qeybta 5aad=farsamo yaqaanka.

 

 

A)Maamulka:- waa mas,uulka ugu sareeyo howlaha

 

I. Waa mas’uulka shaqaalaha.

II. Waa mas’uulka ugu sareeya go,aan qaadashada.

 

III. Waa mas’uulka shaqada iyo shaqaalaha.

 

 

b)Tifaftiraha:- waa mas’uulka ugu sareeyo warka iyo werintiisa.

 

1) Waa dhaqtarka wararka.

• Wararkii dhaawac ah waa dhayaa.

• Wararkii jajaban waa kabaa.

• Wararkii qaraar waa qubaa.

• Warkii qalqaloocan waa toosiyaa.

• Wararkii wax dhibaya waa duugaa.

C)Wariye:-waa mas’uulka wararka iyo werintiisa. • Waa cod macaani carab fudud • Waa faahim firfircoon.

  

 Suxufi:- waa mas’uulka qoraalka

Waa qoraa qalin maal ah.

• Waa hal abuure-af yaqaan ah.

• Waa maskax maal muhandis ah.

 

 

 Farsamoo yaqaan:- waa mas’uulka qalabka

 

• Waa dhaqtarka afafka warbaahinta .

• Waa injineerka dabka.

• Waa dhabiibka qalabka.

• Waa soo saaraha Maqalka iyo Muuqaalka.

 Shaqada warbaahinta:-shaqada warbaahinta waa war iyo weeleentiisa.Bahda warfaafinta waxay ka kulluumaystaa badaha wararka.

 

 

WARGAYS WAA HOOYADDA WARBAAHINTA''

Wargayskii ugu horeeyay wuxuu soo baxay Qarnigii 15aad. waxaa la oran 

jiray(Bilil-jack). wuxuu ka soo bixi jiray Dalka fran-siiska.

Wargaysyadda Dalka Soomaaliya:- 

Wargaysyadda dalka somaliya waxay kaalin ka qaateen Halgankii  

Xoriyadda iyo Madax banaanida soomaaliya.

-1936-KII waxaa soo baxay wargayskii ugu horeeyay oo ay leeyihiin

dadka soomaaliyeed.waxaa la oran jiray (Codka Shaqaalaha)

Wargaysyaddii 1960-1969kii:-

Waxaa soo bixi jiray 4-wargeys, 2-wargeys waxaa lahaa Dowladda,

 

 

2-Wargeysna waxaa la haa 2 Qareen oo gaar ah:- 

 

 

        1) Corriare Della Somali

 

        2) Somali News

        3) La tarbuna

        4) The people

 

Wargaysyadda 1996-1990-kii 

Waxaa soo bixi jirey 12-wargeys oo ay lahayd Dowladdii Kacaanka , Waxaana

La mamnuucay warbaahinta xorta ah, wargaysyadii Kacaanka waxaa ka mid

 ahaa:-

1)Stelle Di Octobare.

2)Najmatul October.

3)Xidigta October.

4)Down (Waabari)

5)New Ear

6)Horseed

7)Ogaal

8)Heegan

9)Adaleecah

10)Waaga cusub

11)FaaFinta rasmiga ah

12)Wargayska Warshadaha

 

Wargeysyadii 1991-2009:-

Waxaa soo bixi jiray Wargeysyo Xor ah oo Madax banaan, wargeyskii ugu 

Horeeyey waxaa la oran jiray (Shabelle press)  kadibna waxaa soo baxay 

300-wargeys oo wada xor ah oo madax banaan

 

SHAQSIYAADKII AAS-AASKA UDHIGAY WARBAAHINTA SOMALIYA (SOMALI MEDIA)

  

*Wargayska waxaa Aabe u ahaa Allaha U naxariistee Suxufi... Maxamed jaamac Uurdoox oo soo saari jiray wargays la oran jirey Al - somalia 1936kii.

*Idaacad waxaa Aabe Ua ahaa Allaha Unaxaristee Xaaji Cabdi Ducaale Oo Ahaa wariyihii ugu horeeyey ee laanta Afka somaliga Ee BBC.DA idaacad ka soo jeediyay sanadkii 1957dii.

 

* Shineemo waxaa Aabe u ahaa allaha u naxariistee saagir maxamed cadde. oo kaalin ka qaatay soo bandhigidii filimkii ugu horeeyey oo lagu daawado muqdsho sanadkii 1947kii,

 

* Masawir waxaa Aabe u ahaa Allaha u naxariistee Xuseen Cabdi farmashiye oo sawirkii ugu horeeyey oo lagu daawado muqdisho soo saarey sanadkii 1950kii.

 

*Farshaxan waxaa Aabe uhaa Allaha Unaxariistee Aadan Isaaq Tima-cade oo farshaxanki ugu horeeyey soo bandhigay sanadkii 1950kii.

 

*Madbacad waxaa Aabe u ahaa Allaha u naxariistee Xaaji macoow nuur oo soo bandhigay daabacaadii ugu horeeysey Sanadkii 1943.

 

*Television, waxaa Aabe u ahaa oo shaashada Tv-ga ka soo muuqday Axmed Xasan Cowke oo ka shaqeyay Tv-ga Qaranka Somaliya 1983kii.

Qarnigii 19aad

waxaa dhashey kacankii ugu waynaa ee warbaahinta, waxa soo is baxay qalab warbaahineed oo casri ah, waxaa soo baxay

a)Raadiyaha. b)Shineemada c)Telefishinka.

Raadiyaha waxaa soo saaray nin talyaani ah'Shineemada waxaa soo saray nin faransiis ah;Telefishinka waxaa soo saaray nin maraykan ah.

 

1913-kii waxaa la soo saaray qalab loo yaqaano Tele-printer oo ahaa qalb meel aad u fog wararka oo qoraa ahaan ugu gudbiya -

1949-kii waxaa soo baxay qalabka kumbiyuuterka, (computer ka) waxaa soo saaray nin maraykan ah.

1990-kiiwaxaa soo baxay qalab casri ah oo indha sarcaad ah oo adduunka ka dhigay hal tuulo qurah oo layiraahdo Internete.

 

YAA SUXUFI NOQON KARA?

 

Saxaafada iyo suxufinimaddu waa muhiim waxayna u baahantahay mas,uuliyad weyn iyo u bislaahso qoto dheer waayo wax ay saameyn ku dhex leeyihiin Ra’yum caalamka guud ee dadweynaha iyo miisaan weyn oo bulshadda dhexdeeda ah.

Sidaa awgeed wa in suxufiyiintu si fiican u fahamasanyahihiin xirfadooda si eysan u geysan waxyeelooyin ka imaan kara xirfadooda suxufinimo oo aay si qaldan u adeegsadaan ama loogu adeegsado. Hadaba si loo helo suxufi ama saxafiyad damaanad qaad buuxda leh waxaa la isku raacsanyahay in suxufigu ama saxaafiyadu la yimaadaan sifooyinkan.

 

1-maskax korsan iyo mas,uuliyad weyn

 

2-hal abuur

 

3-aqoon guud oo balaaran (tani macnaheedu waxuu yahay in suxufigu wax ka yaqaano xariirka caalamiga ah (international relationship) iyo joqoraafiga adduunka( geography of the world)

 

4-dulqaad, adkeysi, iyo dhiiranaan

 

5-dareen xog ogaalnimo doon ah

 

6-cadaalad iyo daacadnimo

7-maskax madax banaan oo wax isweydiisa Inkasto ooy jiraan tiro yar oo ka mid ah saxaafiyiinta soomaalida kuwaas oo maadada saxaafada iskuulo uga soo baxay hadana qaabka lagu noqon karo suxufinimaddu waa arrin aad u weyn marka loo eego mas,uuliydda uu qofku qaadayo sababtoo ah ficil ahaan weey adagtahay sida suxufi lagu noqon karo mana jiraan imtixaano si cad loogu soo baxo oo kuu sahlaya inaad ku soo biirto saxaafada qeybaheeda kala duwan waxa keli ah ee lagaaga baahanyahay waxa weeyaan inaad awood weyn iyo hibo u leedahay wax qorista isla markaasna aad ku hubeysantahay aqoon sal adag leh marka sifahan lagaa helo ayeey suurto gal tahay in laguu aqoonsado suxufi ama saxafiyad waxaaanad fursad buuxda u heli kartaa inaad dhex gasho xirfadaada suxufinimo run ahaantiina mana ahan saxafaddu mid gabi ahaan lagu hanan karo fasaladda ama barid lagu baro maadada saxaafada, Rasmi ahaanteedana waxaad si rasmi ah u baran kartaa saxaafadda inaad ku dhex jirto shaqadda saxaafadda ogoowna in macalinkaaga kuugu wanaagsan ee saxafadda ku bari karo eey tahay qibradadaada.

 

 

 

 

 

 

 

 15/4/2014==01:06 AM Tuesday

LASOCO QEEYBAHA KALE :-CASHARADEENA HADUU EEBE RAALI KANOQODO INSHA ALALH 

W/Q Wariye DEEQ MOHAMED Ali.(MUSTAFA DEEQ)

skype mmcdeeq.maxamed

+2524055021

 

 

 

 

 

 

Welcome Mmc Deeq

Deeq Mohamed Ali to codkasuxufiga.n.nu 

 

Deeq Mohamed Ali (Mustafe Deeq)

Qof hadduu ku jeclaadee qalbigiisa ku siiyo (geeraar macaan)

kal wacan salamuhu

 kala ron sidoo dee

tan waamid safi aha

saxan oo lasooxusay

Inanyahay daraadaa
Intalkeygi gabayeee
Isbitaal in lay qaadiyo
Iilka daris la ahay
Ifka ma laha sugnaan
Arxan ii sameeyoo
Irdaha hayga xiran xayaati .

Iniinaha wadaha iyo qalbiga
Inantii asaabtee
Inantii wacneyd asluub loo dhameeyey
Ifka inaan kuugu jecelahay
Oo aan ilwaad qurux
Qalbigeyga ku qoray
Qeyrkaana ka sara mariyey
Qiimo badan miyaad ogsoontahay

Qof haduu ku jecleedee
Qalbigiisa ku dajiyee
Qeyrkaa ka xusho
Qafiif iyo qalooc lama bidee
Qalbiga loo furaaa qaali..

 

 

 

 

 

Cali iyo Xasan waxay ahayeen laba nin oo saaxiib ah isla markaana ah laba nin oo waalan

Waxay ku jiraan dhakhtarka dadka waalan deetana maalin maalmaha ka mid ah ayaa xasan Wuxuu arkay Swiming Pool deetana waxaa uu ku booday berkadii cali baa ka daba booday Oo Ka soo saaray berkadii... dr kii ayaa u yimi cali oo yidhi nin yahaw waad baxaysaa waayo Waad ladnaatay mar hadaad saaxiibkaa ka soo saartay berkadii laaakiin waxaa dhacday Saaxibkaa wuu is dilay oo wuxuu iska soo laad laadiyey geed...intuu soo booday cali ayuu Yidhi dhakhtar sidaa maaha isma dilin ee anaa galabta markuu qoyay geedka ku wadhay oo Xadhiga ku xidhay si uu u qalallo....lol odaygii cali ahaa inta dhegta la qabtay ayaa la geeyey Halkiisi......lol

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa".

Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

Sheeko kale

Ninkii Bariiska ku gubtay

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

Sheeko Kale

U cut my leg

beri ayaa nin damcay inuu warqad ingiriisi ah u qoro saaxiibkii oo jooga London. ninku inyar oo ingiriisi ah ayuu ka bartay buug la yidhaa, English for africa .isaga oo isticmaalaya intiisii yarayd ayuu saaxiibkii uqoray warqadan:

waxu yidhi:

You cut my leg(waad ilug gooysay)

my shop stands up(dukaankaygii wuu kacay)

and i opened my wife(xaaskaygiina waan fury)

REER AAN OGAHAY MA GUURO

Halkayskan, isna wuxuu ku baxay sheeko dheer, oo xikmad reebtay. Waxayna u dhacday sidan: Beri ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laأ‚آ´aanteedna wax la rari karaa ma jiraan. Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.Dacawadii oo maqlaysay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi: WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

BICIIDKA AAN DILI DOONO

Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad.Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen. Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa.Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jir doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor cabbo. Waxayna ku tidhi:Waar adiga ayaa gannayee dhan.(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:Adigaa dhalayee dhan!adigaa gannayee dhan!Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin! Weli biciidkii kanta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. weli subag lama hayo.Bal arrintaas adigu! ka waran?

www.facebook.com/Mmc Deeq

Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xiriir

EMILL:

[email protected]

 OR TELL: +2522 4055021 / 821348 /9166325/9131862

Boga facebook aan kuleeyahay click https://www.facebook.com /mmc.deeq#

 

This website was built using N.nu - try it yourself for free.(info & kontakt)
W/Q:Deeq Shariif Mohamed Ali (Mustaf Deeq)