Kordhinta raaxada iyo macaanta jinsiyeed.

QAABABKA ILaah Xaqa Kama Xishoodo



 
Awoodda dareenka macaansi waxa uu ku xiran yahay sida ay isu haystaan labada isu galmoonaya iyo dhaqdhaqaaqooda xilliga ay galmadu dhacayso, taasi oo iyana ku xiran hadba aqoonta ay u leeyihiin arrintaasi.

Waxa jirtay in aqoon yahan hore uu yiri: (Macaanta galmadu ma waarto haddii loo joogteeyo hal qaab, oo aan lagu beddelin qaabab kale).

-Ka hortagga dhibaatooyinka iyo dhaawacyada caafimaad darrida keena. 

Dhibaatooyinkaasi oo si gaar ah khatar ugu ah haweeneyda uurka leh iyo ilmaha caloosheeda ku jira labadaba. 

Dhibaatooyinka caynkaasi ah waxa looga hortegi karaa in la isugu galmoodo qaabka ku habboon marxalad kasta.

Xakamaynta uurka. Waxa la hubiyey in qaab kasta oo kordhiya macaanta xilliga galmadu uu sidoo kale kordhiyo suuragalnimada uur-qaadista. 

Qaabka fududeeya in biyaha lagu tuuro gudaha hoose ee cambarku, waxa uu fududeeyaa inay xawadu u gudubto ilma-galeenka.

 Ha yeeshee fursadda uur-qaadistu waxay yaraataa kolka la isticmaalo qaab keena inay xawadu dibadda u soo baxdo.

HORDHACA GALMADAWaxaynu ogsoonnahay in noolaha oo dhami aanu isu galmoon ilaa uu hordhac (Shukaansi) sameeyo.

Kalluunka, Shimbiraha, Naasleyda iyo xitaa Cayayaanku isuma galmoodaan iyaga oon hordhac dheer soo marin, kaasi oo mararka qaar dhib badan. 

Shukaansigu waxa uu door muhiim ah ka cayaaraa galmada, isaga oo ah garoon tijaabo lagu eegayo ilaa iyo inta uu isu qalmo dookha labada qof.

Waxa kale oo shukaansigu uu ka dhigan yahay u diyaarin qanjirrada jinsiyeed loo diyaarinayo hawsha galmada.

Hordhucu wuxuu leeyahay dhowr tallaabo oo si talan-taalli ah loo qaado, si loo gaaro tallaabada ugu dambeysa oo ah galmada tooska ah.

1- ISDIYAARINTA

Labada qof ee isqaba waxaa la gudboon inay si wanaagsan galmada isugu diyaariyaan. Waa inay qubaystaan, afka cadaysadaan, iscarfiyaan, isqurxiyaan, jawiga guud ee guriga iyo jirkoodana ka dhigaan kuwo ku dhiirrigeliya inay isdoontaan.

DHABAR JEEDIN  
Qaababkaan waxay hawshu ka socotaa dhanka gadaale oo waxa isku beegan wejiga ninka iyo dhabarka xaaskiisa. waxanay kala yihiin sidaan soo socota.

1- Kolka ay haweeneydu sariirta si dhabbacaad ah ugu dul seexato, shafkeeda iyo naaseheeduna ay sariirta dul saaran yihiin, ama ku sii beegan yihiin

1-1 Kolka wejiga, shafka, caloosha, iyo bowdooyinka haweeneydu ay taabanayaan sariirta, uu ninku si dherer ah ugu dul seexdo, isaga oo qaarkiisa dambe xoogaa soo laabayana uu labadeeda doolood dhammaadkooda geedka ka soo geliyo.

1-2 Intay haweeneydu afarta ku istaagto iyada oo isku xajinaysa labadeeda jilib iyo labadeeda calaacal ama xusul, uu dabeeto ninkeedu gadaal kaga yimaado, oo dhabarka kaga dhaco. 

Qaabkaan si uur ku yimaadaa waa ay adag tahay, oo waxaba jirta in dadka aan uurka rabini ay isticmaalaan. Haweenka aan aadka tababarka u qabini ma jecla qaabkaan mana ku raaxaystaan. Waxa kale oo jirta in qaabkaani uu ku habboon yahay laba qof oo caato ah. 

2- Kolka intay haweeneydu dhinaceeda bidix u seexato, uu ninku daba seexdo isagoo isna dhinaciisa bidix u jiifa, sidaasina uu wajigiisu ugu sii jeedo jeegadeeda, geedkiisuna dabadeeda. Dabeeto iyada oo ay lugteeda bidix dherersan tahay, tan midig ka laabto barta jilibka ah, yarahana hore u bixiso, sidaasina ninkeedu geedka ka soo geliyo daloolkii ay reebtay lugtii midig ee iyadoo laaban hore loo bixiyay. 

Qaabkan waxa la isticmaalaa kolkay haweeneydu uur leedahay, iyo kolkay caafimaad darri ama tamar darri guud jirto. Waxa xusid mudan in kolka qaabkaan la isticmaalayo ay gacanta midig ee ninku firaaqo tahay, oo uu siduu doono ugu istiimin karo xaaskiisa. 

3- Kolka intay haweeneydu u istaagto sidii iyada oo rukuucsan ama dhulka wax ka soo qaadanaysa, lugaha xoogaa kala fogeyso, iskuna tiiriso gambar ama sariir gaaban.

Qaabkaani waxa uu ku habboon yahay haweeneyda uurka leh, maadaama aanu khatar gelinaynin uurjiifka caloosheeda ku jira, dhakhaatiirta ayaana isticmaala kolkay baarayaan gidaarrada cambarka, iyo kolkay qalliin ku samaynayaan intaba.

Dabeecadda Dumarka iyo jacaylka!!!!!!


haweenka waxay la soo baxaan dabeecado ay ka wada siman yihiin marka ay wax jeclaadaan taasoo ogaansho la,aanta ragga u keeni karta in khilaaf dhexdooda uu ka dhex dhaco.
 
hadaba Ragow si aysan taas u dhicin bal si aad ah u dhuuxa dabeecadaha ay la soo baxaan dumarka marka ay wax jeclaadaan si aadan ugu canaanan qaladna aadan uga fahmin, ogow ma aha wax ay iyada iska yeelyeeleyso laakiin waa dabeecad la socota xaaladeeda.
 
dabeecadahaas waxaa ugu caansan labadan shey ee soo socda:
 
1.waxay la soo baxaysaa xishood xad dhaaf ah taasoo mararka qaar ku kallifta in ay kuu sheegan weyso si kasta oo ay jacayl kuugu qabto.
 
ragga marka ay dabeecadan ku arkaan gabadha ay is jecel yihiin ma jecleystaan waxayna rabaan in ay u sheegto sida ay u dareemeyso jacaylka ay u qabto si uu ugu kalsoonado, hadaba ogow taas waa dabeecadeeda hana kula dagaallamin.
 
 
2.waxay la soo baxaysaa shaki badan oo ay ka qabto jacaylkeeda taasoo xitaa hadii ay ogtahay in uu iyada daacad u yahay aysan aamineynin, ogow xumaan kama aha ee waxaa ku xambaaraya jacayl xad dhaaf ah oo ay kuu qabto.
 
 
ragga ma jecla dabeecadan oo waa ay dhibeysaa, waxayna u qaataan in gabadha ay jecel yihiin hadii ay ka maseyrto oo ay ka shakiso mid aan dooneyn sii socoshada jacaylkooda wuxuuna mararka qaar ku hamiyaa in uu xiriirka u jaro.
 
hadaba Ragow ogaada taas waa dabeecadda dumarka mana aha wax ay bedeli karaan ee waxaa la idinka baahan yahay hadey taas dhacdo in aad u sheegtaan in iyada keligeed aad jeceshahay oo si deggan wax uga dhaadhiciso.
 
mar   ragga iyo dumarka siku dabeecad maaha oo wax dumarka caado u ah ayaa dhiabya raggana laakiin qaladka waa la sixi karaa hadii uu mida kan kale daeecadihiisa barto.
 
Rag badan maanta waxay ka cawdaan in gabadha ay is jecel yihiin aysan ku kalsooneyn mar walbana ay kula doodo in uu gabar kale la wadaajiyo , wey dhacdaa taas oo been ma aha laakiin dumara kama aha xaqiiqdii in ay lamaanahooda ku dhibaan laakiin kalgacayl ay u qabto ayay sidaa u tiraahdaa laakiin hadii aysan dumarku dan kaa lahayn kumaba tixgeliyaan.
 
 
maxay kaaga baahan tahay lamaanahaaga?
 
hadaba subax qura wiil yohow maku fakartay in aad meel fadhiisatay waxa ay kaaga baahan tahay gacalisadaada? waxaan filayaa badi jawaabta in ay tahay maya , in yar mooyaane.
 
hadii aad u xusul duubato tixgelinta gacalisadaada mar walbana aad u heellantahay u hagar bixideeda, waxaa hubaal ah in aad hananeyso qalbigeeda laakiin marnaba ha isku dayin in aad qalad u fahanto dabeecadeeda isku day in aad u dul qaadato oo mar       walba oo aad dabeecadaas ku aragtana u qaado in ay ku jeceshahay kuna faraxsanow.
 
hadii aad wiil yohow mar walba ku dadaasho dejinta iyo farxad gelinta qalbiga gacalisadaada oo aad hubto keligeed daacad in aad u tahay isku day in aad dhameystirto waxyaaaha kaa dhiman.
 
adigoo aan qalad lahayn ayuu qaladku meel fudud kaaga imaan karaa, tusaale ahaan dumarku waxyaabo badan yay kuugu tijaabiyaan hadii      aad ku guul darreysatana kalsoonida ayay kaala laabtaan, waxay mar walba jecel yihiin in aad adeegsato earayo qalbigeeda farxad gelinaya hadii aay kaa waayaanna waxay u qaataan in aadan tixgelin u heyn.

hadaba si aysan taasi u dhicin mar walba jeebkaaga haka buuxaan hadallada macaan ee marka aad kulantaan aad ku dhihi lahayd, waxaana    wanaagsan in aad si aad ah uga soo shaqeyso oo aad u soo diyaarsato .
 
hadaba hadaad ragow dooneysaan in aad guul ka gaartaan jacaylkiinna wado fudud ayaad u mari kartaan ee ku dadaala daacad u noqoshada gacalisadiinna , dumarku wey iska beer jilcan yihiin marna hadii ay soo jeestaan ma jiro ruux ka beer adag laakiin adinka ayay idinku xiran tahay.

 
                           

 

 

Welcome Mmc Deeq

Deeq Mohamed Ali to codkasuxufiga.n.nu 

 

Deeq Mohamed Ali (Mustafe Deeq)

Qof hadduu ku jeclaadee qalbigiisa ku siiyo (geeraar macaan)

kal wacan salamuhu

 kala ron sidoo dee

tan waamid safi aha

saxan oo lasooxusay

Inanyahay daraadaa
Intalkeygi gabayeee
Isbitaal in lay qaadiyo
Iilka daris la ahay
Ifka ma laha sugnaan
Arxan ii sameeyoo
Irdaha hayga xiran xayaati .

Iniinaha wadaha iyo qalbiga
Inantii asaabtee
Inantii wacneyd asluub loo dhameeyey
Ifka inaan kuugu jecelahay
Oo aan ilwaad qurux
Qalbigeyga ku qoray
Qeyrkaana ka sara mariyey
Qiimo badan miyaad ogsoontahay

Qof haduu ku jecleedee
Qalbigiisa ku dajiyee
Qeyrkaa ka xusho
Qafiif iyo qalooc lama bidee
Qalbiga loo furaaa qaali..

 

 

 

 

 

Cali iyo Xasan waxay ahayeen laba nin oo saaxiib ah isla markaana ah laba nin oo waalan

Waxay ku jiraan dhakhtarka dadka waalan deetana maalin maalmaha ka mid ah ayaa xasan Wuxuu arkay Swiming Pool deetana waxaa uu ku booday berkadii cali baa ka daba booday Oo Ka soo saaray berkadii... dr kii ayaa u yimi cali oo yidhi nin yahaw waad baxaysaa waayo Waad ladnaatay mar hadaad saaxiibkaa ka soo saartay berkadii laaakiin waxaa dhacday Saaxibkaa wuu is dilay oo wuxuu iska soo laad laadiyey geed...intuu soo booday cali ayuu Yidhi dhakhtar sidaa maaha isma dilin ee anaa galabta markuu qoyay geedka ku wadhay oo Xadhiga ku xidhay si uu u qalallo....lol odaygii cali ahaa inta dhegta la qabtay ayaa la geeyey Halkiisi......lol

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa".

Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

Sheeko kale

Ninkii Bariiska ku gubtay

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

Sheeko Kale

U cut my leg

beri ayaa nin damcay inuu warqad ingiriisi ah u qoro saaxiibkii oo jooga London. ninku inyar oo ingiriisi ah ayuu ka bartay buug la yidhaa, English for africa .isaga oo isticmaalaya intiisii yarayd ayuu saaxiibkii uqoray warqadan:

waxu yidhi:

You cut my leg(waad ilug gooysay)

my shop stands up(dukaankaygii wuu kacay)

and i opened my wife(xaaskaygiina waan fury)

REER AAN OGAHAY MA GUURO

Halkayskan, isna wuxuu ku baxay sheeko dheer, oo xikmad reebtay. Waxayna u dhacday sidan: Beri ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laأ‚آ´aanteedna wax la rari karaa ma jiraan. Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.Dacawadii oo maqlaysay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi: WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

BICIIDKA AAN DILI DOONO

Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad.Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen. Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa.Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jir doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor cabbo. Waxayna ku tidhi:Waar adiga ayaa gannayee dhan.(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:Adigaa dhalayee dhan!adigaa gannayee dhan!Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin! Weli biciidkii kanta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. weli subag lama hayo.Bal arrintaas adigu! ka waran?

www.facebook.com/Mmc Deeq

Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xiriir

EMILL:

[email protected]

 OR TELL: +2522 4055021 / 821348 /9166325/9131862

Boga facebook aan kuleeyahay click https://www.facebook.com /mmc.deeq#

 

This website was built using N.nu - try it yourself for free.(info & kontakt)
W/Q:Deeq Shariif Mohamed Ali (Mustaf Deeq)