asxaabta

Sawiro asxaabta aan ka soo qaadey ee sxbadeyda ee aan kula noolahay caasimadda somaliland ee hargeisa ee daawasho wacan all aqyaarta.....

Madaxa webka Mmc Deeqhttp://en.gravatar.com/deeq24

 

Welcome Mmc Deeq

Deeq Mohamed Ali to codkasuxufiga.n.nu 

 

Deeq Mohamed Ali (Mustafe Deeq)

Qof hadduu ku jeclaadee qalbigiisa ku siiyo (geeraar macaan)

kal wacan salamuhu

 kala ron sidoo dee

tan waamid safi aha

saxan oo lasooxusay

Inanyahay daraadaa
Intalkeygi gabayeee
Isbitaal in lay qaadiyo
Iilka daris la ahay
Ifka ma laha sugnaan
Arxan ii sameeyoo
Irdaha hayga xiran xayaati .

Iniinaha wadaha iyo qalbiga
Inantii asaabtee
Inantii wacneyd asluub loo dhameeyey
Ifka inaan kuugu jecelahay
Oo aan ilwaad qurux
Qalbigeyga ku qoray
Qeyrkaana ka sara mariyey
Qiimo badan miyaad ogsoontahay

Qof haduu ku jecleedee
Qalbigiisa ku dajiyee
Qeyrkaa ka xusho
Qafiif iyo qalooc lama bidee
Qalbiga loo furaaa qaali..

 

 

 

 

 

Cali iyo Xasan waxay ahayeen laba nin oo saaxiib ah isla markaana ah laba nin oo waalan

Waxay ku jiraan dhakhtarka dadka waalan deetana maalin maalmaha ka mid ah ayaa xasan Wuxuu arkay Swiming Pool deetana waxaa uu ku booday berkadii cali baa ka daba booday Oo Ka soo saaray berkadii... dr kii ayaa u yimi cali oo yidhi nin yahaw waad baxaysaa waayo Waad ladnaatay mar hadaad saaxiibkaa ka soo saartay berkadii laaakiin waxaa dhacday Saaxibkaa wuu is dilay oo wuxuu iska soo laad laadiyey geed...intuu soo booday cali ayuu Yidhi dhakhtar sidaa maaha isma dilin ee anaa galabta markuu qoyay geedka ku wadhay oo Xadhiga ku xidhay si uu u qalallo....lol odaygii cali ahaa inta dhegta la qabtay ayaa la geeyey Halkiisi......lol

Nin baa maalin dhakhtar u tegey isagoo u sheegay dhakhtarka inuu xanuunsanayo. Dhakhtarkii ayaa ninkii baadhitaan ku sameeyey su'aalana weydiiyey si uu u ogaado inuu ninkan cudurka haya iyo noociisa.uu bal helo Dhakhtarkiise wuxuu dareemay in ninkan uu hayo wax la yiraa cuqdad nafsi ee uusan cudur kale hayn. Wuxuuna dhakhtarkii ninkii ku yiri "Waxaan kugula talinayaa inaad iska dhaadhicisid inaadan xanuusanayn markaas ayaad bogsan doontaa".

Ninkii ayaa yidhi "Waa hagaag dhakhtaroow", oo inuu tago isku dayey, markaas baa dhakhtarkii yidhi "Waar ninyahow lacagtii baadhitaanka isii". Ninkii baa yidhi "Dhakhtaroow, adiguna iska dhaadhici inaan lacagtii ku siiyey

Sheeko kale

Ninkii Bariiska ku gubtay

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

Sheeko Kale

U cut my leg

beri ayaa nin damcay inuu warqad ingiriisi ah u qoro saaxiibkii oo jooga London. ninku inyar oo ingiriisi ah ayuu ka bartay buug la yidhaa, English for africa .isaga oo isticmaalaya intiisii yarayd ayuu saaxiibkii uqoray warqadan:

waxu yidhi:

You cut my leg(waad ilug gooysay)

my shop stands up(dukaankaygii wuu kacay)

and i opened my wife(xaaskaygiina waan fury)

REER AAN OGAHAY MA GUURO

Halkayskan, isna wuxuu ku baxay sheeko dheer, oo xikmad reebtay. Waxayna u dhacday sidan: Beri ayaa reer meel yaala ay dacawo soo gashay gurigoodi, waxayna ka cuntay yeeshii. Yeeshu waa xadhiga ugu muhiimsan xadhka la isticmaalo, marka aqalka miyaga lagu rarayo awrka. Yeesha laأ‚آ´aanteedna wax la rari karaa ma jiraan. Dacawadii reerkii kamay ag fogaanine, waxay u fadhiisatay duleedka. Markii reerkii isku soo wada laabtay habeenkii, ee ay xoolahoodina soo wada nabad xeraysteen, ayay ku tashadeen inay meeshan ka guuraan.Dacawadii oo maqlaysay doodda reerka iyo taladooda, ayaa intay qososhay, tidhi: WALLEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

BICIIDKA AAN DILI DOONO

Halhayskan, wuxuu isna ku baxay sheeko dheer, oo laga la hadhay xikmad.Beri ayaa waxaa meel ku noolaa nin ugaadhsade ah, wuxuuna qabay afo uur weyn u leh, oo ay aad iyo aad isu jeclaayeen. Ninka ugaadhsadaha ahi, wuxuu qaataa leeb iyo qaanso, wuxuuna soo dilaa ugaadha, ay ka mid yihiin biciid, deero, daba-taag, garanuug, goodir, geri gorayo, cawl, sakaaro, wiyil iyo wixii kale ee u gala dabinada uu dhigto.Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa intaanu gurigiisi ka ambabixin, afadiisi uu damcay inuu ka sii farxiyo, una soo bandhigo waxyaabo run ahaantii, qalbigiisa uu ku hayay, lana jeclaa inuu u sameeyo afadiisa.Sheeko dheer oo uu ku hindisoon jiray, dhex miiran jirtayna laabtiisa ayuu dibedda u soo wadhay afadiisi, wuxuuna ku yidhi:Biciidka aan dili doono, yeesha aan ka jir doono, lacagta laga siiso doono, sabeenta aan ka iibin doono, sumalka ay dhali doonto, subaga badhideeda laga shiili doono, adiga ayaa dhalayee dhan.Markii uu intaas ku yidhi, ayay afadiisi, oo aad saygeeda u qaderisaa, ay ka xishootay inay subagga, iyadu horta cabto, waxayna door biday inuu isagu cabbo, waayo isaga ayaa ka hawl iyo dhibaato badan iyada, oo maalin oo dhan ku soo rafaada, inuu soo ugaadhiyo. Sidaas awgeed, ayay la noqotay inuu isagu u xaq leeyahay inuu ka hor cabbo. Waxayna ku tidhi:Waar adiga ayaa gannayee dhan.(Gannaya waxaa weeye soo tooganaya ama soo dilaya ugaadha.)Sida sheekada lagu soo weriyay, dhowr goor ayaa midba midka kale, isagoo ku ixtiraamaya yidhi:Adigaa dhalayee dhan!adigaa gannayee dhan!Markii la ismari waayay, ayaa ninkii ugaadhsadaha ahaa, aad uga cadhooday, kana xumaaday inay afadiisa uurka lehayd, ku diiday subaggii uu la jecelaa inay isku nafaqayso ee uu u hibeeyay. Afadiina sidoo kale, waxay aad uga cadhootay, saygeeda, oo dhibaato iyo hawlo badani ay ka soo marto ugaadhsiga, inuu diido maamulka nafaqeynta ee ay u soo jeedinayso marwadiisu.Meeshaasi, ismaandhaaf jacayl ku salaysan oo laxaad leh, ayaa ka yimid, oo maalintaas reerkii waxaa dhexmaray isafgaran-waa iyo kala cadhoodh ay aad u kala xanaaqeen.Laakiin xigmadda meesha ku jirtaa, waxay tahay, biciidkii weli lama soo dilin, wax subag ah oo labadooda dhex yaalay ma jirin! Weli biciidkii kanta ayuu dhex daaqayaa, gacantooda weli ma soo gelin. Weli saantiisi yeel lagama jarin. Weli wax lacagah oo yeel laga helay ma jirto, weli sabeen adhi ah lama soo iibin, weli sumal dhashay ma jiro. Weli badhi sumal lama shiilin. weli subag lama hayo.Bal arrintaas adigu! ka waran?

www.facebook.com/Mmc Deeq

Wixii faah faahin intaa dheer kala soo xiriir

EMILL:

[email protected]

 OR TELL: +2522 4055021 / 821348 /9166325/9131862

Boga facebook aan kuleeyahay click https://www.facebook.com /mmc.deeq#

 

This website was built using N.nu - try it yourself for free.(info & kontakt)
W/Q:Deeq Shariif Mohamed Ali (Mustaf Deeq)